Screen Reader Mode Icon

Soo dhowow

Waalidka ama Daryeel bixiyaha Qaaliga ah, 

Waxaanu rabnaa in aan war ka maqalno waalidiinta iyo daryeel bixiyayaasha guud ahaan degaanka Magaalo weynta Portland kaasi oo ku saabsan fikirkaaga ah sida ilmahaagu(carruurtaadu) ugu safri doonaa dugsiga marka uu dugsigu dib u bilaabo waxbarista qof ahaaneed.

Fadlan qaado, ra’yi ururintan gaaban, ee 9 su’aalood ka kooban, taas oo qaadanaysa ku dhawaad 4 daqiiqo. Haddii aad leedahay wax ka badan hal cunug oo dhigta dugsiyo kala duwan, fadlan tixgelin sii in aad buuxiso ra’yi ururin gooni ah oo loogu talagalay ilme kasta.

Jawaabahaagu waxay isku duwaha dugsigaaga ee Waddooyin Ammaan ah oo aadaya Dugsiga ‘Safe Routes to School’ ka caawin doontaa bixinta barnaamijyo iyo ilo loogu talagalay dhacdooyinka kala duwan ee suurtagalka noqon kara ‘scenarios’ee la xiriira Ku laabashada Dugsiga.    

Mahadsanid! 


English

Español

Tiếng Việt

中文

Русский
Sida Ay Qoyskaagu U Safraan

Question Title

* 1. Ka hor intii aysan dugsiyadu xirmin ee aysan noqon waxbarista qof ahaaneed, sidee buu ilmahaaga(carruurtaadu) sida caadiga ah u aadaa ugana soo noqdaa dugsiga?  Dooro halka la kala dooranayo ee ilmahaaga(carruurtaadu) inta badan isticmaalo. [mid dooro]

Question Title

* 2. Marka uu dugsigu dib u bilaabo waxbarista qof ahaaneed, sidee baad qorsheynaysaa in ilmahaaga(carruurtaadu) inta badan u aado ugana soo noqdo dugsiga? [mid dooro]

Question Title

* 3. Marka uu ilmahaaga(carruurtaadu) ku soo laabto dugsiga, sidee baad u maleyneysaa in ugu safri doono - shaqada ama baahiyaha kale ee guriga - inta badan?  

Sida Aan Wax U Caawin Karno
Caqabadaha

Question Title

* 4. Marka uu ilmahaagu(carruurtaadu) u shakhsi ahaan dib u noqdo dugsiga, isaga oo dhiganaya waqti buuxa ama waqti dhiman, waa maxay caqabadaha ama walwalka aad ka qabto inaad iyaga geyso/ka soo qaado dugsiga?   Dooro dhamaan kuwa ku khuseeya.

Sida Aan Wax U Caawin Karno
Waxyaabaha la xiiseynayo

Question Title

* 5. Waxaanu ka fikiraynaa siyaabo lagu caawiyo in qoysasku u noqdaan kuwo firfircoon isla markaana wax looga qabto caqabadaha dhanka gaadiidka ee ay dhici karto in ay soo wajahdo marka dugsiga dib loo furo.  Hoosta waxaa ku qoran fikradaha qaarkood oo dugsiyada dalku hadal hayaan.  

Kuwee baa ka mid ah fikradaha soo socda ee gaadiidka la xiriira oo ay dhici kartaa in ay waxtar u leeyihiin adiga iyo ilmahaaga(carruurtaada)?  Dooro dhamaan kuwa ku khuseeya. 

Macluumaadka Qaab-dhismeedka Dadka

Question Title

* 6. Dugsigee degmo ayaa ah dugsiga ilmahaaga(carruurtaada)?

Question Title

* 7. Muxuu yahay dugsiga(yada) ee ilmahaagu(carruurtaadu) dhigto?

Question Title

* 8. Muxuu yahay heerka fasalka(ada) ee ilmahaagu(carruurtaadu) gelayo dayrtan? Dooro hal heer oo fasal ilmihiiba.

Question Title

* 9. Iyadoo la eegayo qaybaha ballaaran ee hoosta ku qoran, halkee baad dhigi lahayd jinsiyada ama is aqoonsiga jinsi ee ilmahaaga? (Dooro dhamaan kuwa ku khuseeya)

Question Title

* 10. Email

Mahadsanid!

Waad ku mahadsan tahay qaadashada Ra’yi ururinta Gaadiidka ee Ku laabashada Dugsiga ee Oregon Metro!  Waxaanu jawaab celintaada iyo kuwa deriskaaga ee gobolka u isticmaali doonaa in ay caawimaad ka geystaan mudnaansiinta dadaalada gaadiidka ee Ku laabashada Dugsiga.  


Haddii ay hayso su’aalo, ama jeclaan lahayd in aad si toos ah ugu xiranto barnaamijkaaga dugsiga ee Waddooyin Ammaan ah oo aadaya Dugsiga ‘Safe Routes to School’, ha ka gaban in aad si toos ah xiriir ula sameyso Isku duwaha Gobolka ee Waddooyin Ammaan ah oo aadaya Dugsiga ee Oregon Metro, Noel Mickelberry:  noel.mickelberry@oregonmetro.gov
0 of 10 answered
 

T