Question Title

* 1. Bishii Juun 2020, Golaha Magaalada Minneapolis wuxuu ballan qaaday inuu abuurayo qaab cusub oo ah amniga dadweynaha. Qaabkaas waxaa qeyb ka ah sameynta habraac dadweynaha lagula hawlgeli doono oo soconaya hal sano. Hawlgalkuna waa mid dadweynaha Minneapolis lagu weydiinayo qaabka cusub ee wax loo qaban karo. Daraasadda soo socota waxa ay ka mid tahay tallaabada koowaad ee habraacaas. Wixii macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan hawshan, fadlan kala soco: https://www.minneapolismn.gov/community-safety/.

Ujeeddada daraasaddan waa in ay bulshada ku nool Minneapolis ku aqoonsadaan sida uu amnigoodu noqon doono, iyo in ay fikrado naga siiyaan sida loo fulin karo qaabka cusub ee la isku afgarto. Natiijooyinka ka soo baxa daraasaddan waxaa loo isticmaali doonaa in laga helo talooyin loo gudbiyo xubnaha loo doortay dowladda hoose ama golaha deegaanka. Waxa kale oo loo isticmaali doonaa in lagu hago tallaabooyinka dambe ee hawlgelinta dadweynaha.

Su'aalaha qaarkood waxa ay noqon karaan mowduucyo xasaasi ah. Haddii la rabo waxaa laga tegi karaa su'aalaha aan laga jawaabeyn ama markii la rabo ayaa la iska joojin karaa daraasadda. Macluumaadka Magaalada ee ku saabsan fayaqabidda maskax ahaaneed, mid shucuur ahaaneed iyo mid ah xagga jirka waxaad ka heleysaa halkan.

Qarsoodi ka dhigista macluumaadkaaga waa mid muhiim inoo ah. Wax kasta oo ay dadku ku sheegaan daraasadda waxaa lala wadaagi doonaa shaqaalaha sameynaya hawlgelinta ee Magaalada Minneapolis. Qofna laguma khasbayo in uu ka jawaabo daraasadda. Qofna lagama rabo in uu qoro magaciisa. Ma jiraan wax dhib ah oo ku dhacaya qofkii ka jawaabi waaya ama qofkii markii uu rabo iska joojiya daraasadda.

Daraasadda wakhtiga ay qaadan doonto qiyaastii waa ilaa 15 daqiiqo.

Qofkii doonaya fududeyn gaar ah  gaar ah ama si kale ku helo qoraalkan la soo xiriir violencepreprevention@minneapolismn.gov ama 612-673-2301. Dadka dhagoolaha ah ama dhegaha culus waxay adeegsan karaan hab gaar ahaaneed oo ay ka heli karaan 311 ama 612-673-3000. Dadka isticmaala TTY waa in ay soo garaacaan 612-263-6850.

Para asistencia, llame al 612-673-2700 - Rau kev pab 612-673-2800 - Hadii aad rabto caawimaad soo garaac 612-673-3500.

Markaad akhrisato macluumaadka kor ku qoran ka dib, ma dooneysaa inaad daraasadda ka jawaabto?

T