Test Kit Expiration Extension

The FDA extended the shelf-life of iHealth COVID-19 Antigen Rapid Tests to 15 months and Abbott BinaxNOW COVID-19 Antigen Rapid Tests to 22 months.
Look up iHealth expiration dates | Look up Abbott expiration dates

Waad ku mahadsan tahay xiisahaaga

Waad ku mahadsan tahay xiisahaaga ku aadan Say Yes! To Covid Test (Barnaamijka Dheh Haye! Baaritaanka COVID). Waxaan helnay falcelin aad u wayn oo ku aadan mashruuca waxaana marhoraba naga dhamaaday agabkii koobnaa ee aan u heli karnay in la geeyo guryaha deegaankaaga.

map
people working happily

Maxaan u dooranayaa Say Yes!

  • Waxay gacan ka gaysanaysaa yareynta faafitaanka COVID-19 adoo isku baaraaya guriga natiijooyinkana ku helaaya daqiiqado gudahood
  • Dadka aan lahayn wax astaamo ah ayaa wali faafin kara COVID-19, marka baaritaanka ayaa muhiim u ah si aad u ogaato inaad caabuqa qabto
  • Si aan u joojino faafitaanka COVID-19, qaar badan oo naga mid ah waa inay si joogto ah isku baaraan - xataa haddii aanaan lahayn wax astaamo ah. Marka lagu daro talaalka, xirashada maaskarada, farxalka, iyo kala fogaanshaha dadka, baaritaanka guriga lagu sameeyo ee joogtada ah ayaa difaacaaya qoysaska iyo saaxiibada, waana qaab wanaagsan oo naga caawinaaya la dagaalanka COVID-19.
  • Xog badan ogoow, badqab ku nooloow, kuna laabo dadka iyo waxyaabaha aad jeceshahay xili hore

Cidda ay tahay iney isbaarto?

Qof kasta oo jira 2 sano iyo ka wayn ayaa ka qaybgeli kara. Baaritaanka joogtada ah ayaa si gaar ah muhiim ugu ah dadka caabuqa kasoo qaadi kara banaanka guriga, sida carruurta dhigata dugsiga ama dadka waqtiga ku qaata xarumaha dadka badan — haddii ay talaal qabaan iyo haddii kaleba!

happy family
vaccination icon

Tallaal ma qabtaa?

Talaalka, oo lagu daray baaritaan, ayaa ah qaabka ugu fiican ee looga hortagi karo faafida caabuqa COVID-19. Tallaalada COVID-19 waa kuwo badbaado iyo waxtar u leh kahortaga caabuqyada, in isbitaal dadka la seexsho, iyo geerida. Hase yeeshee, xataa dadka qaba talaalka buuxa ayaa fursad u haysta inay caabuqa qaadaan ayna faafiyaan fayraska, marka baaritaanka ayaa wali muhiim u ah qof kasta.

Qof kasta oo jira 6 billood ama ka weyn ayaa u qalma tallaalka. Tallaallada COVID-19 waa u billaasha qof kasta oo ku nool Mareykanka, iyadoon loo eegayn xaalada soo galootiga ama heerka caymiska caafimaadka. Booqo vaccines.gov si aad wax badan u ogaato.

Digital Assistant ayaa ku caawin kara

Inkastoo kiishadaada baaritaanka ay ku jiraan tilmaamo, waxaan sidoo kale leeyahay Digital Assistant si uu kuugu hago hanaanka la maraayo oo dhan.