Ku soo Dhawaada Barnaamijka Caymiska Shaqo la’aanta ee Minnesota
Kani waa bog rasmi ah ee aad ka heleysid macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan Caymiska Shaqo la’aanta ee Minnesota.
Ceymiska Dadka aan Shaqeyn waa barnaamij dowladeed ee ku caawiya marka aad shaqadaada lumiso ama badroonigaada yareeyo saacadaha shaqadaada.
Barnaamijku waxa uu ku siinayaa lacag adiga oo raadinayo shaqadaada kale. Lacagta waxay dabooshaa qeyb ka mid ah daqliga aad heshid marka aad shaqeyneysa waxaana laheli karaa muddo xadidan.
Waxaan halkaan u joognaa inaan ku caawino!
Nasoo haddii aad su’aalo qabtid ama Wakiilada Adeegga Macaamiilka waxaa la heli karaa Isniinta ilaa Jimcaha, 8:00 a.m. illaa 4:30 p.m.
651-296-3644 Aagga Magaalooyinka Mataanaha Metro
877-898-9090 Inta ka baxsan aagga Magaalooyinka Mataanaha
866-814-1252 Dadka dhagoolka ah ama maqalka ku adagtahay yahay
Haddii aad jeclaan laheyd turjubaan, u sheeg wakiilka luuqada aad ku hadashid oo turjubaan. Ayaa lagu darayaa wacitaanka. Waxaad u baahaneysaa inaad sugtid dhoor daqiiqo inta ay ka wacayaan turjubaan.
Wixii macluumaad dheeraad ah ee sida loo waco wakiilka, fiiri Ka Hel Jawaabaha Su'aalaha Ku Saabsan Shaqala'aantaada.